Ma dhabaa inuu Mohamed Salah uu jeclaan lahaa inuu …

Mohamed salah

Mohamed Salah wuxuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Liverpool si uu isugu sii qoro taariikhda kooxda sida uu qabo halyeeyga Arsenal ee Ian Wright.

“Kani waa sanadkeygii ugu dambeeyay ee kooxda, waxaana doonayaa inaan ku raaxeysto,” ayuu yiri.

“Waxaan dareemayaa inaan xor u ahay inaan ciyaaro kubada cagta – waan arki doonaa waxa dhaca sanadka soo socda.”

Salah ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin kooxaha sucuudiga laakiin Wright ayaa aaminsan in uu Salah doonayo in uu isku qoro taariikhda Liverpool.

Haatan Salah ayaa ah xiddiga 5-aad ee ugu goolasha badan laakiin waxa uu baacsan doonaa rikoodhka Ian Ruch ee 346 gool ah.

“Waxaan qabaa fikrad ah inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Liverpool oo uu jabiyo rikoorka, waxa uu haystaa taariikh uu u ciyaaro”ayuu Wright yidhi.

“Hadii uu sii joogo 3 sano oo kale waxa uu qabtay shaqo aan la rumaysan karin”ayuuu sii raaciyay.

“Waxaan aaminsanahay inay u badan tahay inuu sii joogi doono haddii Liverpool ay wax ka qabato. Waan ogahay in dadku ay aad uga walaacsan yihiin bixinta qandaraasyada dadka da’doodu tahay 30-ka, laakiin waxaan u maleynayaa inuu ka baxsan yahay habka uu isu diyaariyo oo u ciyaaro.”

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *