Belgium 0:1 Italy: Belgium’s Defeat and Italy’s Victory in the Match

sports

Belgium 0:1 Italy: Falanqeyn iyo Guusha Italy ee Kulanka

Hordhac

Ciyaarta xiisaha badan ee habeenkii xalay dhexmartay xulalka Belgium iyo Italy waxay ahayd mid si weyn loo sugayay, iyadoo labada kooxood ay ka tirsanaayeen tartanka caalamiga ah ee Notional league 2024. Labada xulba waxay la yimaadeen qorsheyaal kala duwan iyo dadaal ay ku doonayeen inay ku gaaraan guul. Belgium oo ay hogaaminayeen ciyaartoyda waayo-araga ah sida Kevin Lenardo Trossard iyo Romelu Lukaku, ayaa doonayay inay ka adkaadaan kooxda adag ee Italy, oo iyaduna ku socotay inay dib usoo ceshato sumcadeeda kubadda cagta caalamka ka dib guuldarrooyin hore uga soo gaaray tartanadii ugu dambeeyay. Ciyaartan ayaa ahayd mid xamaasad iyo xiiso leh, iyadoo ay soo xaadireen taageerayaal badan oo labada dhinac ah, kuwaas oo sugayay inay arkaan ciyaartoydooda oo sameynaya bandhigyo heersare ah.

Qeybta Koowaad

Ciyaarta qaybta hore, labada xul waxay muujiyeen in dagaal adag ay ku jiraan oo mid walba uu doonayo inuu mid kale ka sara maro. Belgium ayaa kubad heysashadu u badneyd, iyagoo si joogto ah u riixayay una weerarayay difaaca Italy. Lenard Trossard ayaa ahaa ciyaaryahanka si joogto ah ugu dheelaya qaab ciyaareed heer sare ah, isagoo isku dayay inuu kubado macquul ah u soo dhiibo weeraryahannada. Si kastaba ha ahaatee, difaaca Italy oo si adag u taagnaa ayaa ku guuleystay inay celceliyaan dhammaan weerarrada ay isku dayeen ciyaaryahanada Belgium. Dhinaca kale, kooxda Italy ayaa isku dayaysay inay ku ciyaaraan qaab kubad haysasho oo aan degdeg lahayn iyagoo isku dayaya inay ka faa’iidaystaan kubadaha rogaal-celiska ah.

Daqiiqado kooban ka dib, waxay Italy dhalisay goolka kowaad ciyaarta ka dib waxaa goolka dhaliyay ciyaartoyga mayilka adag ee S.Tonali, uu kubad fiican ka soo qaatay garabka kana dhaliyay gool cajiib ah. Goolkaas ayaa ku noqday niyad-jab kooxda Belgium iyo taageerayaashooda oo ku rajo weynaa in xulka ay ku guuleysan doonaan. Kadib markii ay helaan goolka, Italy waxay bedeshay istiraatiijiyadoodii ciyaarta, waxayna xooga saareen difaaca iyagoo iska ilaalinayay in Belgium ay helaan fursado ay ku dhaliyaan gool. Xulka Belgium ayaa markan cadaadis saaraya difaaca Italy, balse waxay ku adkaatay inay ka faa’iidaystaan fursad kasta oo ay heleen.

Qeybta Labaad

Markii lagu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta, Belgium ayaa si xoogan u soo gashay iyagoo doonayay inay goolka barbaraha helaan. Kooxda ayaa sameysay isbedelo, iyadoo tababaraha uu keenay ciyaartoy cusub si uu ugu soo celiyo awoodii weerar ee ay ku doonayeen inay ku jabiyaan difaaca Italy. Si kastaba ha ahaatee, difaacyada adag ee ay leedahay Italy iyo goolhayahooda Gianluigi Donnarumma oo sameeyay badbaadooyin muhiim ah ayaa u diiday Belgium inay ka faa’iidaystaan fursadihii ay heleen.

Xulka Italy ayaa difaacyo adag ka dhigtay qeybta dambe, iyagoo ku ciyaaraya qaab difaac ah oo taxadar leh, taas oo caqabad ku noqotay Belgium. Xulku waxay isku dayayeen inay dib u dhistaan weerar, balse waqtigu waa ka dhammaanayay, waxaana sii kordhayay niyad-jabkooda. Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, Belgium ayaa sameeyay isku dayo badan, balse waxaa u suurtagashay inay ka adkaawayaan difaaca adag ee Italy. Ciyaartu waxay ku soo dhamaatay goolkii kaliya ee Italy ay dhaliyeen qeybtii hore.

Maxaa Laga Calaamadeeyay Kulanka Xalay

Kulanka xalay wuxuu muujiyay in Italy ay dib u soo ceshatay awooddii ay ku lahayd difaaca iyo ciyaar wanaagga. Waxaana muhiim u ahaa inay si joogto ah u ilaalin karaan hoggaankooda isla markaana aysan u oggolaan kooxda ka soo horjeedda inay helaan fursado badan oo gool dhalin ah. Sidoo kale, Belgium ayaa muujiyay daciifnimo dhanka weerarka, maadaama aysan si fiican uga faa’iidaysan fursadaha ay heleen. Waxaa cajiib ahaa in ciyaartoydii waaweynaa ee Belgium, sida Kevin Lenardo Trossard iyo Romelu Lukaku, aysan awoodin inay ka adkaadaan difaacyadii adag ee Italy. Waxaa kaloo xusid mudan in tababaraha Italy, uu ciyaarta ku hogaamiyay qorshe cajiib ah oo la dhihi karo wuxuu ahaa mid guul lagu gaari karayay.

Gunaanad

Markii la soo gabagabeeyay ciyaarta, waxay ahayd guul muhiim ah oo uu gaaray xulka Italy, taasoo siin doonta niyad iyo kalsooni badan xulka oo raadinaya inay ku guuleystaan Notional League 2024. Belgium, dhinaceeda, waxay u baahan tahay inay wax ka beddesho qorshaheedii ciyaarta oo ay ka shaqeyso dhinacyada weerarka iyo difaaca. Taageerayaasha ayaa sugaya in labadan xul ay mar kale ciyaaraan oo ay arkaan tartan kale oo adag.

Kulanka wuxuu ahaa mid muhiim ah oo cashar muhiim ah u ah xulalka reer Yurub, iyagoo u baahan inay dib u eegis ku sameeyaan xeeladahooda si ay ugu diyaar garoobaan kulamada soo socda ee tartanka Notional League 2024.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *