Marseille leaders do not regret the deal M.greenwood?

M.greenwood

Madaxweynaha kooxda Pablo Longoria ayaa sheegay in Marseille “ay fiiri say dhammaan xogaha” markii ay Mason Greenwood kala soo wareegayeen Manchester United, isla markaana uusan ka qoomameyn heshiiska meson greenwood.’’

Meson, oo 22 jir ah, ayaa ka dhaqaaqay qalcadda Old Trafford heshiis lacagtiisa ku kaceyso  26.6 milyan ginni ah oo uu kula soo biiray kooxda reer France bishii Agoosto, isagoo u saxiixay ilaa sanadka 2029.

Greenwood ayaa lagu soo ee deeymo culus oo ay ka mid tahay, isku day kufsi February 2023.

Laakiin Marseille ayaa dhaleecayn kala kulantay duqa magaaladaas oo ku tilmaamay tillaabada mid “aan la aqbali karin” markii ay si cad u soo shaac baxday rajada ay kooxdu ku doonayso saxiixa xiddigan oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda Getafe ee dalka Spain.


Markii la weydiiyay bal in dhaleeceyntan oo kale ay keentay in laga qoomameeyo tallaabadaas, Longoria wuxuu ka yiri shirweynihii Thinking Football Summit: “Faallooyinka duqa magaalada waxay xoojinayaan wixii aan sameynay, [ma aysan helin] macluumaadka oo dhan.

“Go’aanka gudaha ayaanu ku qaadanay, OK, waxaa jiray mucaarad, taasu waxay ahayd ujeedo, laakiin isla markaa waxay na siisay awood ah inaanan baarin, sababtoo ah anigu ma ihi garsoore, laakiin inaan isticmaalo dhammaan macluumaadka si aan u qaadano go’aanka ugu fiican. taas oo aan filayo in aanu samaynay.”


Wuxuu ku daray: “Wadahadalkii ugu horreeyay ee aan la yeelanay tababaraha [Roberto de Zerbi] waxaan xusnay magaca Mason.


“Tababaraha waxa uu garanayay Mason waagii hore, waxayna ahayd wada hadal aad u degdeg badan bilowgii dhammaanteen, sababtoo ah waxaan aaminsanahay tayada Mason.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *